Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda SOSCENSA oo soo dhaweysay habkii lagu xalliyay Khilaafkii Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Socensa_Khilaakii-baarlamaanka.jpg?resiz
Muqdisho (PP) ─
Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan Ururada Bulshada rayidka ah ayaa waxa ay u taagan yihiin u qareemida danta guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo talasiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Dallada SOCENSA oo dadaal u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex aloosnaa golaha shacabka, horayna uga soo saartay baaqyo ku aadan in la damiyo xaaladaasi, iyadoo kulamo kala yeelatay dhinacyada khilaafka ka dhex jiray ayaa waxa ay boogaadineysaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka dadaalada ay xalliyeen khilaafka siyaasadeed ee taagnaa taasi oo qeyb ka ahayd tallooyinka bulshada rayidka ee ahaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal ama si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, Dallada Bulshada Rayidka ah waxa ay usoo jeedineysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed inay soo doortaan shaqsi karti iyo aqoon u leh arimaha sharci dejinta islamarkaana ay ku soo doortaan mudo 15 maalmood ah.

Ugu dambeyn dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay ku baaqeysaa in laga fogaado wax weliba oo keeni Kara khilaaf siyaasadeed taasi oo dib u dhac ku keeni karta geedigga dowladnimo ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda SOSCENSA oo soo dhaweysay habkii lagu xalliyay Khilaafkii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this