Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Cumar Fiyaasko.

Qaraxan ayaa nuuciisa ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday Gaari Dheyno ah oo wadada marayay, waxaana saarnaa dad safar ah.

Miinada ayaa la sheegay in Qaraxa ka hor lagu sii wargaliyay maamulka, hase ahaatee mas’uuliyad xumi jirtay aawgeed ay u dayaceen maamulka, sidaana uu ku dhacay Qaraxa.

Sakariye C/laahi Cilmi oo ah Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda, ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay khasaaro aad u xoogan.

Sakariye C/laahi Cilmi, oo saxaafada uga waramaayay ayaa yiri “Waxaa Alle mahadiis ah in khasaare badan uusan geysan qaraxan, marka loo eego waxaa ujeedka uu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacab fara badan, Qarax Miino ayuu ahaa gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ayuu qabsaday.”

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay oo uu sheegay in ay a tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ceynkaan ayaa kusoo beegma xili ay mas’uuliyad darro ka muuqato dhammaan shaqsiyaadka dowlada ugu magacaaban Degmooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this