Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda KAALO oo Gaalkacyo ku qabatay tababar ku saabsan Xuquuqda Aadanaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda KAALO ayaa tababar u qabatay Saraakiil ka socotay Booliska iyo Asluubta Gaalkacyo, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Mudug.

Furitaankii tobabarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNHCR, kuwaas u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixinayo tababarkan.

Tababarkan oo laba maalmood socon doona ayay saraakiisha Booliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo.

Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Haya’ada KAALO, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna qayb ka yahay mashaariic balaaran oo ay KAALO ka fulinayso deegaanada Puntland.

Mahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Booliska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Mudug, si loo ilaaliyo xuquuqda Bini,aadamka, Maxaabiista iyo hanaanka baarista dambiyada.

DSCN3980.jpg?resize=600%2C600

DSCN3996.jpg?resize=600%2C600

DSCN3999.jpg?resize=600%2C600

DSCN4003.jpg?resize=600%2C600

DSCN40051.jpg?resize=600%2C600

DSCN40151.jpg?resize=600%2C600

IMG-20180412-WA0004.jpg?resize=600%2C450

IMG-20180412-WA00091.jpg?resize=600%2C45

PUNTLAND POST

 

 

The post Hay’adda KAALO oo Gaalkacyo ku qabatay tababar ku saabsan Xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this