Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay iscasilaadii Jawaari iyo khilaafkii ka dhex tagnaa barlamaanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ahna kusimaha madaxweynaha, Eng, Camey ayaa sheegay inay ka xun yihiin fowdadii dhawaan ka dhacday barlamaanka Soomaaliya, taasoo kaliftay inuu meesha ka baxo guddoomiyihii barlamaanka Jawari.

Madaxweyne Camey, inkastoo uu soo dhoweeyay tanaasulka uu sameeyay guddoomiye Jawaari, hadana wuxuu sheegay inaan loo baahanayn inuu heerkaas gaaro khilaafka madaxda sare ka dhex tagnaa iyo is eedaynta ay warbaahinta isaga jeedinayeen.

Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku ugu baaqay dowladda federalka inay si hoose ku dhameystaan wixii dhexdooda isku khilaafaan, isagoo sheegay inaan loo baahnayn in khilaafku dibada yimaado.

Halkaan ka dhegayso codka Camey.

      Camey Khilaafka clip

Puntandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this