Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo soo saartay digniino dhanka amaanka ah iyo magaalooyin durba laga guuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ka digtay weeraro uga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab ee dagaalka kula jira Somalia iyo Kenya.

Saraakiil u hadashay dowlada Kenya, gaar ahaan Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay wadaan qorsho ay ku weerarayaan Xarumo iyo Saldhigyo ay leedahay dowlada.

Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa ka digay Weeraro Argagixiso oo ay geystaan al-Shabaab kuwaa soo ka dhaca Xarumo iyo Saldhigyo ku yaala Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Waxa ay sheegen Saraakiisha in bilooyinkii lasoo dhaafay ay ka hortaggeen Weeraro badan ka dib markii ay xog badan soo gudbiyen Hay’addaha Ammaanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in weli ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa dadka shacabka ah uga digay inay qarsadaan dadka ku cusub deegaanadooda ee aan la aqoon, kuwaa oo geysan kara weeraro argagixiso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this