Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo Luuqad adag ku cambaareeyay lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraatka ayaa cambaareeysay dowladda federalka falkii ay ku qabatay diyaarada laga lahaa Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho taasoo sidey lacag gaareysa US$9.6 million oo kaash ah oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo macalimiinta tababarta.

Wasaaradda arrimaha dibada UAE oo warkaan soo saartay ayaa intaa ku dartay in ciidamo saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Soomaaliya oo qoryo ku qabteen.

“Arrintan waa sharci darro ka soo horjeeda xushmada diblumaasiyiinta u dhexeysa labada dal iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada dal bishii November sanadkii 2014,”ayaay intaa sii raacisay Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.

“falkan waxa uu yahay xadgudub xeerarka caalamiga ah iyadoo Imaaraadkuna uu siiyo kaalmo dhinac walba ah gaar ahaan dhinaca siyaasada,Milatariga iyo gargaar aadanimo si ay xasisho dowlada federalka Soomaaliya.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka sida ay daabacda wakaalada wararka WAM.

Lacagta lagu qabay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho siddeedii bishan ayaa la geeyay Bangiga dhexe ee Soomaalia illaa iyo haddana lama oga sida laga yeelayo lacagtaas.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this