Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo is dhiibay iyo hoosha uu uqaabilsanaa oo lashaaciyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka Bay-(Caasimadda Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegay in halkaasi uu iska dhiibay horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo haatan uu gacanta ku hayo maamulka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan oo maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabaa Aadan Maxamed oo ku magac dheer (Aadan Shaah).

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa lafilayaa in dhawaan ay saxaafadda u soo bandhigaan macluumaad ku saabsan horjoogahan is soo dhiibay,kaasi oo haatan su’aalo ay weydiinayaan hay’adaha amniga.

sarkaanka isdhisoodhiibay ayaa waxa uu kooxda shabaab uqaabilsanaa fulinta weerarada arbushaadka ah ee deegaano gobolka Bay waxaana sidookale lasocday hal qof oo kale oo isna isasoodhiibay.

Todoboodyo ka hor ayaa waxaa sidoo kale is soo dhiibay horjooge kale oo lagu magacaabo Maxamed Caddo woo u qaabilsanaa maleeshiyada Alshabaab qeybta qaraxyada ee Gobolada Bay,Bokool iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this