Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Islaan Ciise Islaan Maxamed oo maanta xoriyadoodii usoo celiyay labo dhalinyaro ah oo Garowe laga afduubtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Labo dhalinyaro oo bishii march ee lasoo dhaafay laga afduubtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa maanta lagu guulaystay in dib loogusoo celiyo xoriyadoodii laga qaaday.

Labadaan dhalinyaro oo kasoo jeeda magaalada Burco, ayaa ujeedada loo afduubtay waxay salka ku haysay, nin ku xiran magaalada Burco oo kasoo jeeda gobolka Nugaal, kaasoo eheladiisu ay sheegeen in cadaalad darro lagu haysto.

Siciid Maxamed Faarax (Dugle) ayaa u xiran kiis la xiriira Gabadh 9-sano jir ah oo ay dhashay Xaaskiisa, taasoo u geeriyooday sabab aan illaa iyo hadda la xaqiijin, balse hooyada dhashay ayaa ku dacwootay inuu  ninkeeda kufsaday, halka eheladiisana ay ku dacwoonayaan inay hooyadu gabadheeda dishay ayna hayaan cadeymo iyo marqaatiyaal nool.

Maxkamada Burco ayaa lagu eedeeyay inay kiiskaan si cadaalad darro u maaraysay, taasoo keentay afduubka dhalinyaradaan loo gaystay, balse goor dambe ayay maxkamadu ku talisay in labada dhinac ay ku kala baxaan shareecada Islaamka.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo katirsan Isimada Puntland, gacan weyna ka geystay siidaynta dhalinyaradaan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in maanta laga bilaabo dhalinyaradaan ay yihiin fasax, waxaa kaloo Islaanku sheegay inay ka xun yihiin arrintaan inay dhacdo, balse wuxuu tilmaamay inay tahay arrin ku timid cadaaalad darro laga tabanayay Burco.

Islaan Ciise ayaa ugu baaqay salaadiinta dhaqanka reer Burco inay dhameystiraan kiiska ninka ku xiran magaalada Burco, waxaana uu sheegay Islaanku in loo baahan yahay in sharci iyo cadaalad lagu kala baxo, si aan dhibaato midaan lamid ah u imaan.

Mid kamid dhalinyarada afduubtay loo haystay oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay mudadii la haystay in loola dhaqmay si wanaagsan oo xushmad leh.

Halkaan ka dhegayso codka Islaamka.

Islan Ciise Islan Maxamed Qaybta koowaad oo uu kaga hadlayo sii daynta wiilasha

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this