Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Puntland 2019 Ma ka dhici doontaa Doorasho Qof iyo cod ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe  ee Caasimada Puntland ,waxaa lagu qabtay kulan looga doodayay sida ugu haboon ee Deegaanada Puntland looga hirgalinkaro nidaamka Doorasho ee Asxaabta badan, inta aan lagaarin  2019ka.

kulnka ayaa waxaa lagu marti qaaday Mas,uuliyiin  ka tirsan Maamulka  Puntland kuwaas oo ay Ururada iyo Bulshada Rayidka ahba ay su,aalo ku wadiinayeen Ms,uuliyiinta  qaabka ugu haboon ee Doorashadaasi  Puntland ay ku gaari karto.

Nidaamkan Doorashooyinka ee Asxaabta badan ee qof iyo codka ah ayaan Puntland ka hirgalin tan iyo wixii ka dambeeyay Aasaaskii Puntland 1998dii , waxaana Puntland soomaray dhowr dowladood oo xilalka lakala wareegay, kuwaas oo ilaa iyo haatan aan hirgalin Nidaamkan Doorasho ee qof iyo cod ah ,si ay Bulshadu ay u soo Doortaan shaqsiga ku haboon in uu dalka horumar uu gaarsiinkaro.

Dowladda haatan talada gacanta ku haysa oo uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa xiligii uu ku guda jiray Ololihiisa doorasho waxa uu balan qaaday in Puntland uu gaarsiin doono 2019 Doorasho qof iyo cod ah ,taas oo haatan aysan Muuqan saan saanteeda.

Dadbadan oo Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano isugu jira oo la so xiriiray Warsidaha Puntlandi ayaa aaminsan in sababta nidaamkan uu Puntland uga hirgali la,yahay aytahay Maxkamadii Dastuuriga ahayd oo aysan dhisn Madaxda marka ay kursiga ku fariistaan.

Maamulka Soomaaliland oo daris ala ah Puntland ayaa dhawaan waxa ay Madaxweynahooda ay ku soo doorteen Doorasho qof iyo cod ah , taas oo tusaale u ah Puntland in ay kaga dayato.

Halkan ka dhagayso Codadka.

      codadka dooda

doorasho.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this