Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay xoojinta nabadgelyada badda iyo ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Badda Puntland Admiral, Abdirisaaq Diiriye Faarax, ku xigeenkiisa Axmed Kalonbi iyo taliyaha ciidanka amniga dekeda Bosaso, Col: Mohamed Ali Hashi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socotay Ciidamada badda Midowga Yurub.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay qodobbo muhiim ah oo ay kamid yihiin, nabadgelyada badda iyo ka hortagga dembiyada badda.

Arrimaha ay sida gaarka ah ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa, la dagaalanka burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibinta hubka, iyo argagixisada badda.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar kamid ah wadamada ciidamadoodu ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya ay kordhiyeen joogitaankooda, si kor loogu qaado ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Capture-1.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this