Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Qaylo dhaantii ka soo yeertay shacabka ku dhaqan Degmada Qandala Oo laga Jawaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka ku dhaqan Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo qaar kood horay ula soo xiriiray Warsidaha Puntlandi.com ,kana cabanayay in Degmada Qandala tan iyo wixii ka dambeeyay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya aysan helin baahiyihii Asaasiga ah sida Biyaha, korontada ,Caafimaadka, Waxbarashada, iyo wixii la halmaala.

Shacabka ayaa Warsida Puntlandi.com  usheegay in Maamuladii kala duwanaa ee Puntland soo maray aysan Degmada waxba uqaban .

Hadaba qaylo dhaantaasi ka timid Shacabka ku dhaqan Degmada Qandala oo uu horay Puntlandi idinku soo gudbiyay ayaa waxa ay keentay in Degmada ay gaaraan Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Puntland Shire Xaaji faarax ,waxaana Safarkiisa kuweheliyay Wasiirka Shire  Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado.

Waftigan ayaa sheegay in ay Degmada u sidaan dhaqaale iyo Mshaarciic loogu talagalay in laga hirgaliyo Degmada Qandala maadaama Qaylo dhaantii bulshada Qandala ay gaartay Madaxda ugu saraysa dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Qandala looga baahanyahay in ay soo diiwaan galiyaan baahiyaha ka jira Degmada, si wax looga qabto maadaama Waftiga uu sii joogi doono Degmada maalmaha soo socda.

Hadaba Halkan ka dhagaysom Gudomiyaha , Wasiirka Qorshaynta Puntland  iyo shacabka Degmada kulankii dhexmaray .

      Gudoomiye Dhado iyo Wasiirka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this