Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqayn ka dhan ah kooxda Daacish oo laga fuliyay gobolka Bari.

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad Drone ah oo looga shakisan yahay in laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa duqayn ka geysatay meel ku dhow degmada Qandala oo ay fariisin ku lahaayeen kooxda Daacish.

Weerarkaan ayaa lagu dilay dhowr kamid ah dagaalamayaasha Daacish, sida lagaoso xigay saraakiil ciidan oo katirsan Puntland, kuwaas oo ka gaabsaday inay macluumaad dheeraad ah bixiyaan.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaaqa duqeynta.

Qandala oo katirsan gobolka Bari kuna kutaala Badda Cas, ayaa ahayd meeshii ugu horeysay ee mar gacanta u gashay kooxda Daacish, inkastoo markii dambe si xoog ah looga saaray.

Dowladda Maraykanka weli kama hadlin inay weerarkaan masuuliyadiisa leedahay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this