Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Midkamid ah Wadooyinka Halbowlaha u ah magaalada Bosaaso Oo dayac tir lagu samaynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Bosaaso waxaa maanta laga dhagax dhigay si dib udayac tir loogu sameeyo Wadada  laamiga ah ee dhexmarta bartamaha Magaalada Bosaaso, iskuna xirta Gobolada Puntland taas oo  uu kamuuqdo bur bur xoogan  ,dhibaatana ay ku qabeen  Gaadiidka Dadwenaha ee isaga kala goosha Gobolada iyo Magaalada Bosaaso Gudaheedaba  .

Wadan ayaan wax dib udactir  ah lagu samaynin tan iyo wixii ka dambeeyay dowladdii dhexe ee dalka Soomalaiya .

Maamulkii hore ee Degmada Bosaaso oo uu dhawaan uu kala diray Madaxweyne Gaas ayaa horay ubalan qaaday  dhismaha wadadan balse aysan usuurta galin .

Dhawaan ayaa Wadadan waxaa loo saaray Gudi  isugu jira Culimaa,udiin  iyo  Ganacsato kuwaas  oo dhaqaalaha ku baxaya Wadadan ka soo uruuriyay Ganacsatada ,Gaadiidlayda  iyo qaybaha kale ee Bulshada  maadaama Wadadan lagu dhisayo isku tashi ,mana jirto ilaa iyo hada wax dhaqaale ah oo uu Maamulku uu ku wareejiyay Gudiga dhismaha Wadadan sida ay Gudiga Puntlandi usheegeen.

Gudiga ayaa shaaciyay in  wixii maanta ka dambeeya dhismaha Wadadan la bilaabi doono .

Gaadiidlayda ayaa loogu baaqay in  Wadooyinka kale  ee dhexmara Magaalada Bosaaso ay isticmaalaan inta ay socoto dhismaha Wadadan .

Hadaba Halkan ka dhagayso  Gudoomiyaga Gudiga Dhismaha Wadadan Sheekh Maxamed Maxalin oo Puntlandi uwaramay .

      Sheekh maxamed macalin gudoomiga gudiga wada Puntlandi

1-3.jpg 2-3.jpg 3-3.jpg

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this