Sign in to follow this  
Deeq A.

(FAALO ) KUWA NAFTOODA ISU NAXARIISTA OO IS CAAWIYA AYAA ILLAAHAYNA CAAWIYAA KU GARO HORMARKA PUNLTNAD

Recommended Posts

Deeq A.   

?ui=2&ik=34ccfaca36&view=fimg&th=162a9d8f155c6654&attid=0.1&disp=emb&attbid=ANGjdJ9eXKIgordXvba2LCsXF4M90oRNSOPrl-US6ESvMmfR4E77e5x61LkluVZYjWtqJb-pkUNR7_94Bg6nJh-aW2MTqOLqJQWuhQhjI29D0XIJd6VlvAfVAM5kEoM&sz=w652-h490&ats=1523268503680&rm=162a9d8f155c6654&zw&atsh=1

Wado laami ah oo madaxtooyada Puntland dhexmarta.

Waxaan arkay in madaxtooyadii looga arimiyo Puntland ay madaxda dalku ka fuliyeen qurxin leh bilic kusoo jiidanaysa,taasoo aad dareemi karaysid in ay tahay goobtu meel xasiloon oo qurxoon taasoo saamaxaysa in qofkastaa ku raaxaysto ku dhax shaqaynteeda. waana mid u haraysa jiilba jiil. Ma ogtahay sideedaba dalwalboo leh dhismo qurxoon dadkiisaa ka dhigay sidaa,hadaba dalkaaga ood quruxsataa waxay keentaa uugu horayn in aad ku ildoogsato oo aad ku raaxaysato adigii iska lahaa ee dhistay,intaa kadibna waxaabad soo jiidanaysaa indhaha caalamka kale oo cidkastaa jeclaysanayso quruxda dalkaaga kol hadaysidan tahay waxaa hoogay oo asaagii ka haray ninkii gurigiisa quruxsan waaya.

?ui=2&ik=34ccfaca36&view=fimg&th=162a9d8f155c6654&attid=0.2&disp=emb&attbid=ANGjdJ-Er-bQNzaN5Qm7fZtqNH74H7KZAWypW7tR_Rb3m3e0P0FbcE3aB4bm0Iedam9PpMGGsRuiWHPgZz7BM2temCBXFZJ688P8UZNzVNMe1C3j74QZFSNSXTCK5pM&sz=s0-l75-ft&ats=1523268503681&rm=162a9d8f155c6654&zw&atsh=1

Qaabkan loo dhireeyay wadooyinka magaalada Boosaaso ayaa haboon in laga dhigo mid lagaarsiiyo magaalooyinka puntland oo dhan. waayo dhirto waxay kamid tahay walxaha u yeela nolasha dadka macaan iyo raaxo indhuhu ku doogsadaan intaa waxaa dheer faa iidada dhirtu leedahay oo farabadan,sida roob soo jiidasho iyo neefta laga helo maalintii dhirta,hooska iyo nicmooyinka faraha badan ee aan lakoobi karayn.

?ui=2&ik=34ccfaca36&view=fimg&th=162a9d8f155c6654&attid=0.3&disp=emb&attbid=ANGjdJ9PeH8MqC9DbfyQn3ZjONvQOeEp_OEvrFYCUoyiooX_o4jI0oBwJdB6JXx7vZgbPM1ObJnG1YGUsXNSSIf69EtmQypZOKMZodUUg5pZZEuOHsR0yHjb0FZX1X4&sz=s0-l75-ft&ats=1523268503681&rm=162a9d8f155c6654&zw&atsh=1

Waxaa aad u haboon in la dardar galiyo wadada laamiga ah ee isku xirta Caasimada Puntland GAROOWE iyo xeebta Eyl.waayo caasimadu waa in ay leedahay xeeb ay dadka caasimadu kana kaluumaystaan kuna dabashaan oo ku raaxaystaan. kol hadii illaahay siiyay xeeb u dhaw waa in loo dadajiyaa wado balaaran oo laami ah oo isku xirta waana in dawladu fulisaa mashruucaas.kaluunka waxaa laga helaa faytamiino aan laga helin xilibka xoolaha oo ugaara oo dhisa jirka iyo maskaxda qofka cuna hilibkaluun.

?ui=2&ik=34ccfaca36&view=fimg&th=162a9d8f155c6654&attid=0.4&disp=emb&attbid=ANGjdJ9Wsax0tCJGVqj07EhO8tuttwLEXMCeQ2QCO3eg8EaXZvs4UTapdQus1LDeB0to1mFlJkhvmciDA-oUvnCj6GjSXXkzw4HQhffafOmPgzrmexIhtqV-OsyLoTY&sz=s0-l75-ft&ats=1523268503681&rm=162a9d8f155c6654&zw&atsh=1

xeebta eyl ee quruxda badan.

?ui=2&ik=34ccfaca36&view=fimg&th=162a9d8f155c6654&attid=0.5&disp=emb&attbid=ANGjdJ9FL9oFSxvMyi2xwarO669Y8cEykGSAe48ncXBG0mxFaDgwf60s2_fp3bzbMk5w0RQ8LBRtWyU8VDn8LUFJaZsH4zOE5eUROf1vhDHa1v3dwbN5xfNCaX6VeEw&sz=s0-l75-ft&ats=1523268503681&rm=162a9d8f155c6654&zw&atsh=1

Xeebta Garacad ee mudug.

Waaxeeb ay dadka puntland aad uugu baahan yihiin gaar ahaan gobolka mudug,waa xeeb aad u dheer nadiif ah oo bilic leh iyo dhul furan oo waasac ah. waa xeeb kaluunku aad ugu badan yahay oo aan is leeyahay dadka reer mudug haday bad sadaan cunida kaluunka oo yareeyaan cunida hilibka xoolaha waxay ahaan lahaayeen kuwo afka ka hadla ee aan gacanta ka hadal! waayo kaluunku iyo hilibka bada laga helaa waxay dajiyaan maskaxda inbadan.hadaba illahay waxa uu siiyay galkacayo iyo mudug oo dhan xeebtaa dheer halaga faa iidaysto oo yaan la ahaanin dameerkii malabka uun siday! aduunka waxa laynoo abuuray in aan fakaro oo noolaano kana faa iidaysano nicmada deegaanka inagu xeeran taala.nin bad leh oo baahan aduunka lama sheegin.

Dawlada puntland waa in ay hirgalisaa wadada isku xirta galkacayo iyo garacad xeebteeda si dadku uga soo adeegto bada uugana faa iidaysto khayraadkeeda.labadaa wado midina ka baxdo Garoowe tagtana eyl iyo mida kabaxda oo tagta garacad waa in dawladu fulisaa.

waxbadan oo hormar ah ayay puntland samaysay,laakiin maha in aynu isu bogno oo gaabis noqono waa in aan dadaalaa,waxaan u mahad celinayaa shacabka iyo dawlada puntland oo had iyo jeer ka fakaraya hormarka dalkooda iyo dadkooda. waxaan ku faraxsanahay siday u dhiseen puntland siday usugeen amaanka puntland oo ah meesha uugu nabada badan soomaaliya iyo afrikaba. hormarka waxbarashada puntland waa mid la mahadiyay oo rag u kacay meelna gaar siiyay halkaa ka sii laban laaba.

Puntland nolol iyo nabad iyo diin iyo dhaqan ayaa ka jira waana gogol iyo hoy nin wayn oo aan ula jeedo qof bani aadam ah gogoshii taasoo ah nabad.dadka puntland waa dad is jecel oo isu gargaara oo isu gurmada had iyo jeer waana tay ku gaareen hormarka iyo helida naxariista eebe weeyne. puntland waa dad u roon martida sokeeye iyo shisheeyaba leh waana dad dhulkooda si gobonimo leh loogu dhex nool yahay. dhulka puntland waa dhul udgoon oo sixo wanaagsan leh oo malaha qaniin iyo wax dadka cuno dhamaan sida kaneecada iyo wixii lamid ah. waa dhul ruux daymoodaa uusan dhaayo ka jeedin karayn.

dadka puntland waa dad edeb iyo akhlaaq leh oo dariska xurmeeya,waa dad jecel in qofka la nabad galiyo mana arkaysid wax is haysta iyo wax is dulmiyaaya,halkaa waxaad ka fahmaysaa in ay yihiin dad ehel u leh xadaaro filwayn. wax yaabaha yaabka leh ee puntland ka jira waxaa kamid ah,qofku haduu rabo in uu tacliin barto niyadaa loo dhisaa waana lacaawiyaa qofkastaa taageera ardayda wax baranaysa,haduu qofku layimaado in uu wax qabsado oo shaqaysto sida ganaacsigoo kale qofkaa waa lagarab qabanayaa oo lacaawinayaa si uu heer ugaaro maadaama uu layimid dadaal. runtii waa dhaqanka illahay amaanay jecel yahayna qofkana wax u kordhamooyee aan waxkaga xumaan wuxuu caawimo gaystay.

cidkastoo puntland dhextagtay waxay heshay sirtan kadibna waa xajisteen noloshada puntland kol haday sirtaa heleen.waxaan ku soo gaba gabaynayaa duco ah illaahay wanaagaad dhexdiina isu samaynaysaan iyo hormarkaad gaarteen haydiin sii badiyo noqdana kuwo liibaanay noloshan iyo tan aakhiraba.hormarkuna waa garab qabasho walaalkaa iyo tacliin iyo shaqo ah dhiso dalkaaga. hadaan kaftamo Puntland hal wax unbaa ka dhiman wax badan oo ay gaareen,oo waxaasi tolow waa maxay? waa reer mudug kaluun labada daan buuxsha!

Yuusuf Omar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this