Deeq A. Posted April 9, 2018 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu goor dhawayd iscasilay ka dib wadaxaajood socday shalay ila aiyo saaka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiye Jawaari ayaa shalay galinki dambe kul qaatay mudo saacado ah waxaa lagu soo qaaday in xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan kana dhalatay Mooshinka Jawaari laga keenay la soo afjaro. Ilaa iyo hada Gudoomiye Jawaari wali lama uusan hadlin Warbahinta balse warqadiis iscasilaada ayaa waxaa shaaciyay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka kaas oo Xildhibaanada hortooda ka Akhriyay Warqadii iscasilaada Gudoomiyaha . Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ku balan sanaa kulankoodii ay Mooshinka ugu qaadi lahaayeen Gudoomiyaha ,balse waxaa lagu wargaliyay markii ay Golaha taeen in Gudoomiyuhu uu iscasilay. Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Jawaari uu is casilay, isla markaana la laalay Mooshinkii laga gudbiyay . lasoco wixii soo kordha. Share this post Link to post Share on other sites