Deeq A. Posted April 9, 2018 Warar Hadda Na soo Gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow uu is casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulamo waqti badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari kadib uu is casilay. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa Baarlamaanka ka hor aqriyay Warqada is casilaada Ee Gudoomiye Jawaari. Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in maalinta Arbacada uu Baarlamaanka ka horjeediyo Qudbad. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka kala dareeray Fadhiga Baarlamaanka kadib is casilaada Jawaari. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Gudoomiye Jawaari oo is casilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites