Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wasaarada Amniga oo war cad kasoo saartay Ammaanka Muqdisho iyo Ciidamada Xasilinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.

Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.

Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.

Warqad-1.jpg?w=696

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this