Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Waraaqdii uu taliyaha Xoogga ku codsaday in la fasaxo diyaaradda Imaaradka Lacagta u siday iyo sawiro laga helay Lacagtii la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Waxaa noo suurta gashay inaan helno waraaq uu Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod uu Maareeyaha Dekadda uga codsanayo in la fasaxo diyaaradda Imaaraadka u siday lacagta.

Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido  lacago mushaaraad ah iyo Raashin.

Taliye Gorod ayaa waraaq fasax  ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta.

Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda.

Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro.

Lacagtan oo cadadkeeda lagu sheegay inay u dhexeysa sagaal illaa iyo 14malyan oo dollar ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayna ku xareeyeen Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ammaanka Bangiga Dhexe ayaa aad loo adkeeyay caawa iyadoo la xirey wadooyinka u dhow dhow Bangiga.

 

30019761_1992278380822190_1536353336_n.j

30120950_1992278520822176_1357224961_n.j 30118855_1992278760822152_1899306448_n.j 30179833_1992278704155491_850645344_n.jp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this