Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay Sababta ay Ciidamada Itoobiya isaga baxeen Magaalada Dhuusa Mareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay isaga baxeen.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa aaday dhinaca Dalka Itoobiya iyada oo aan la ogeyn sababta ay magaaladaas uga baxeen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan u guuray Maamulka Galmudug ee ku shaqeynayay Magaalada Cadaado,waxaana hadda Dhuusamareeb oo markii horeba ahayd Caasimadda Galmudug si sax ah ugu shaqeeya Maamulka Galmudug.

 Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay sidoo kale xaqiijiyey bixitaanka Ciidamada Itoobiya,oo Saldhigyo qaar ka guuray halka kuwo kale ay ku sugan yihiin.

Masuuliyinta ayaa waxa ay sheegeen in wax saameyn ah ku yeelan doonin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhuusamareeb,isla markaana ay ku filan yihiin ammaanka.

Ciidamada Itoobiya ayaa mudo ka badan 7 Sano waxa ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb,iyaga oo Ciidamada Ahlusunna ee la midoobay Galmudug kala qeyb qaatay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this