Sign in to follow this  
Deeq A.

DDSI oo caawo aroos wadareed u dhigaya lamaanayaal kasoo kala jeeda beesha Gabooye iyo beelaha kale ee degaanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamaanayaal iscalmaday oo ka kooban beesha Gabooyaha iyo beelaha kale ee reer Jigjiga tiradooduna dhantahay 50 rag iyo dumar ah oo si iskood ah oo xor ah isku soo doortay iskuna jeclaaday ayaa caawa waxay dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia aroos wadareed ugu dhigaysaa xarunta deegaanka ee jigjiga.

Tilaaabadaan ayaa looga golleeyahay in meesha laga saaro yasidii iyo dhaqan guumaysigii Soomalida dhexdeeda ka jirtay.

Xafladan aroos dhaqameedka ah oo si heer sare ah loo soo agaasimayo ayaa waxaa ka soo qaybgalaya hogaaminta sare DDSI, odaal dhaqameedka DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waana taariikhda abid markii 1aad ee caadada noocan ee ka  jirtay Soomalida dhexdeeda la jabiyo waana iskoor u xidhan DDSI oo mudan   in ay soomalida kale ku dayato.

aros6.jpg aros5.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this