Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin ku saabsan safarkii raysal Wasaaraha Ethiopia uu ku tagay magaalada Jigjiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysul wasaaraha cusub ee dowladda federalka Ethiopia, Dr Abiyu Ahmed ayaa kulan balaadhan kula yeeshay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSJ masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI, odayaal dhaqameedka DDSI, hogaamiyaaasha diimaha, shaqaalaha DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.

Waxaana, kulankaasi khudbad  dheer dhaxal galka oo ku qotonta midnimada iyo isjacaylka qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya  ka soo jeediyay Raysul-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Ahmed  oo sheegay in  ay farxad u tahay maanta oo uu booqashadiisii ugu horaysay ku tagay deegaanka soomalida itoobiya gaar ahaan caasimada DDSI ee jigjiga Raysulwaaraha ayaa sheegay in shacabka DDSI wakhtiyadii hore soo maray dhibaatooyin badan oo dhinac kasta leh kuwaasi oo sobabay saboolnimo  iyo dib u dhac badan wuxuuna tilmaamy in  halgankii  layskaga dulqaaday heeryadii iyo dhibaatooyinkii uu shacabka DDSI oo kaashanaya walaalahooda kale ee itoobiya uu ka galay  taariikhda baal dahab ah.

Raysalwasaaraha ayaa tilmaamay in guulaha maanta uu dalka gaadhay u soo halgameen halyayo badan oo magacwayn ku leh taariikhda caalamka oo uu ka mid yahay sayid maxamed cabdula xasan oo ka soo jeeday deegaanka somalida itoobiya.

Dhinaca kale raysalwasaaraha ayaa si mug leh uga warbixiyay sida xalwaara oo aan soo noqod lahayn looga gaaarayo xalinta iyo khifaalaadka ka jiray deegaanada Soomalida iyo Oromada ee walaalaha ah isaga oo si xeeldheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha.

Raysalwasaaraha oo arintaasi ka hadlaya ayaa soo qaatay maahmaah Soomaliya oo leh” wixii umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah”  oo uu ula jeeday wixii Soomalida u dan ah ayaa Oromadana u dan ah

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  ugu horayntii raysul-wasaaraha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ku soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee jigjiga islamarkaana uga mahad celiyay Raysal wasaaraha in uu  mudnaanta gaar ah ee uu siiyay deegaanka soomalida itoobiya imaatinka uu isaga oo aan wali ka soo wareegin xiligii la doortay todobad uu ku yimida caadimada deegaanka ee jigjiga madaxwaynaha ayaa sheegay in socdaalka shaqo  deg dega ah ee uu  raysalwasaaruhu ku yimiday deegaanku  muujinayso sharafta iyo karaamada uu u yahay shacabka islamarkaana uu fuliyay balanqaadkiisii ahaa waxaan diirada saarayaa  shaqaynta nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud,  ayaa sheegay in Xisbiga EPRDF uu leeyahay istaraatajiyada iyo jihooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo dimuqoraadiyadeed islamarkaana hogaanka yimaadaa uu sii xoojinayo hirgalinta jihooyinkaasi. Waxaa uu  tilmaamay guusha EPRDF tahay guusha XDSHSI guusha XDSHSI tahay guusha EPRDF sidoo kale guusha itoobiya tahay guusha dhamaanteen madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in xukuumada DDSI, shacabka DDSI  iyo XDSHSI ay ka go’antahay  kawada shaqaynta hawlaha horumarka ,nabadgalyada, sinaanta, cadaalada iyo nabad kuwadanoolaanshaha qoomiyadaha itoobiya.

Dhankooda odayaal dhaqameedka DDSI ayaa su’aalo ku saabsan  horumarinta  iyo nabadaynta iyo nabadkuwadanoolaanshaha labada qoomiyadeed ee soomalida iyo oromada kuwaydiiyay waftigan uu hogaaminayo raysal-wasaaraha JDFI

Waxaa hadal koodan ka soo jeediyay kulankaasi madaxwaynaha Deegaanka Oromada mudane Lemma Magersa.oo halkaasi ka balan qaatay in uu waxkasta oo suurta galinaya  sidii xalwaara  lagaga gaadhayo nabadaynta iyo wadanoolaanshaha qoomiyadaha walaalaha ah ee somalida iyo oromadu uu xooga saarayo sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu in shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada uu ku celintoono goobihii ay ka soo baracakeen madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray labada shacab ee somalida iyo oromada oo u badan xoolo dhaqato labada deegaan iska kaashanayaan sidii loo horumarinlahaa islamarkaana kor loogu qaadilaha habnololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah.

Ugu dambayntii masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa galabnimadii maanta  ku sagootiyay garoonka diyaaradaha ee caasimada deegaanka waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay raysul-wasaaraha JDFI Dr abiyu axmed oo dib ugu noqday xarunta dalka ee Addis-ababa.

abal2.jpg

abal4.jpg abal7.jpg abal1.jpg abal3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this