Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro kala duwan uu ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabellah Dhexe ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay Bar Kontorool oo Ciidamada ku sugnaayeen oo ku taala Meel 4 Km ujirta Jowhar.

Bartakoontarool ayaa gaar ahaan ku taal deegan lagu magacaabo Xaanshooleey oo dhacda Waqooyiga Xarunta Shabellah Dhexe.

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay sheegen mas’uuliyiin ka tirsan maamulk Hirshabeelle.

Dadka dhintay 2 ka mid ah waa Ciidamada dowladda, halka qof kalena uu yahay Shacab.

Dad ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka Qraaxa uu ka dhacay ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan.

Sidoo kale, Dadka qaar ayaa umaleeyay inuu jiray dagaal xigay Qaraxa, waxaana rasaasta si caadi ah looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Jowhar.

Docda kale, waxaan weli jirin cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa, balse Shabaab ayaa looga bartay Qaraxyada wadada lagu aaso ee lala eegto Ciidamada Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this