Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Oo lakulmay Gudiga Xalinta khilaafka Golaha Shacabka Oo Maanta lamagacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa maanta xarunta Wasaarada Gaashandhiga ee dowladda Soomaaliya kulamo Gooni gooni ah waxa uu kula qaatay Xildhibaanadii taageersanaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada kala hadalaya xalinta khilaafka udhaxeeya labada Garab ee Baarlamanka ,taas oo ka dhalatay Mooshinkii Gudoomiye Jaari laga keenay.

Xildhibaanadan ayaa lasheegay in ay yihin Gudigii labada dhinac ahaa ee maanta lamagacaabay oo ka koobnaa 14 Xunood oo ka kala yimid labada garab ee ishaya.

Gudigan ayaa waxaa kala magacaabay Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa koowaad oo ah garabka ka soo horjeeda Muudeey .

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay wadahadalada dhexmaray Madaxweynaha iyo Gudigan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this