Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Ciidamadii Xasilinta oo baneeyey koontarooladii Gudaha Muqdisho iyo sababta oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay ciidmada Xasilinta faarujiyeen dhammaan koontarooladii ay kaga sugnaayeen gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa mar qura isaga baxay dhammaan goobihii ay Muqdisho kaga sugnaayeen  iyagoo ka qaatay dhammaan agabyadoodii.

Caasimadda Online ayaa ogaatay inay ciidamadaan gadoodeen kadib markii la sheegay inaysan dowladda Soomaaliya ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen.

Ciidamada Xasilinta oo shalay isku dhigay laba baabuur qaraxydo waday ayaa la sheegay inay Xalay Ra’isulwasaare Kheyre oo booqday ka waayeen waxyaabihii ay ka filayeen.

Waxaa lasoo sheegayaa inay ka tabanayaan xuquuq la’aan iyo inaan mushaarkooda la siinin, iyagoo sheegay inaysan isku darsan karin naf huris iyo wax la’aan.

Ra’isulwasare Kheyre oo xalay Ciidamadaas ku booqday goobahooda ayaa sheegay in xuquuqda la siin doono, lamana ogo ilaa hadda tallaabada ay dowladda qaadi doonto.

Dhammaan goobihii ay ciidamadaas ka joogeen Magaalada Muqdisho ayaa hadda faaruq ah waxayna Magaalada Muqdisho halis ugu jirtaa inay soo laabtaan qaraxyadii waaweynaa ee lagu soo xiri jiray Gawaarida Xamuulka kadib muddo badan oo laga nastay.

Haddii aanan ciidamadaan lasoo celin isla markaasna la qancin waxay Muqdisho marti u noqon doontaa Qaraxyada Al-Shabaab oo jaanis fiican u heli doono kadib muddo badan oo ay xayirnaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this