Deeq A. Posted April 7, 2018 Maanta oo Sabti ah waxaa lagu waday in xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho uu ka qabsoomo kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Gudoomiye Jawaari. Xalay saqdii dhexe ayaa Muqdisho waxaa kulamo ku yeeshay Xildhibaanada wada Mooshinkaan iyo madaxda Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ka codsaday in kulankaasi maanta la hakiyo. Waxaa wali jira khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo labo garab u kala jaban, Arbacadii la soo dhaafay ayaa buuq hareeyay isaga oo oo fashil ku dhamaaday. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in laga yaabo in kulankaasi mooshinka Jawaari lagu soo bandhigayo uu dhaco maalinta Isniinta ah ee soo socoto. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari oo baaqday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites