Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland oo dood Cilmiyeed ku saabsan xaalada Soomaaliya ku qabtay dalka Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   
Dood-Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay xarunta “Rakaa’isu Al-Macrifa” ee ka mid ah:xarumaha talada siiya xukuumadda dalka Sudan ayaa waxaa warqad-cilmiyeed ka jeediyay Xaruntaas Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka dowladda Puntland. waxaa madasha goob-joog ka ahaa Wasiiro, danjirayaal, aqoonyahanno ka kala socday jaamacadaha Sudan iyo sidoo kale bahda Saxaafadda iyo daneeyayaasha arimaha Soomaaliya.
Dood-cilmiyeedkaas ayaa cinwaankeedu ahaa:”Xaaladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto geeska Africa”. ugu horrayntii, waxaa ka soo qayb-golayaasha doodda si rasmi u soo dhaweeyay Agaasimaha macahadka “Rakaa’isu Al-Macrifa” Ustaad Cabbaas Haaruun oo sheegay in xaruntoodu ay marti-galisay dhammaan ka soo qayb-galayaasha, dooddaana loogu talo galay in diiradda lagu saaro xaaladda Soomaaliya. Cabbaas wuxuu kaloo sheegay in maalmo ka hor ay marti-galiyeen Wasiiru dowlaha ganacsiga dalka China oo isaguna ka warbixiyay heerka is-dhaafsiga ganacsi ee Sudan iyo China oo heerar kala duwan soo maray.
kalmadda Agaasimaha Macahadka Ka dib,waxaa si toos ah loogu soo dhaweeyay Dr.C/fitaax Nuur Ashkir, Wasiir Ashkir ayaa kalmadiisa ugu horrayn ku furay sidatan:- “Soomaaliya iminka waxay maraysaa xaalad aad u cakiran, goloyaashii dowladda ayaa isku khilaafsan maamulka iyo maaraynta dalka,waana ififaale keeni kara in dalku dib ugu noqdo waxaan ka soo gudubnay”.
Wasiir Ashkir ayaa sheegay in Soomaaliya iminka ay ku hardamayaan garbo shisheeye, qaarkood gacanka carbeed ay ka soo jeedaan, dowladduna ay la kala safantahay garbahaas. dhinaca kale,wasiirku wuxuu muujiyay in waxa hadda socda ay tahay “Tilaabo golaha fulinta uu ku doonayo in uu marin-habaabiyo hab-sami-u-socodka golaha shacabka Soomaaliyeed”.
Wasiir Ashkir ayaa kalmadiisii ku sòo gunaanaday talooyin uu u jeediyay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isagoo ku tiraabay sidatan “Waxaan madaxweynaha talo ugu soo jeedinayaa in uusan koox kooban gacanta u galin, dalku waa ka weyn yahay koox yari, ee mudane Madaxweyne si dalka loo samatabixiyo waxaa loo baahanyahay in aad talo-wadaag ku hagto dalka”.
Waxaa kalmaddii wasiirka sii naaxiyay Dr. C/Wahaab Al-Dayib Al-Bashiir oo ah khabiir geeska Africa ka faalooda,kana tirsan Xarunta Cilmi-baarista ee jaamacadda “Africa international University” kaas oo sheegay in waxa hadda ka socda Moqdishu ay saamayn Amni ku yeelan karto gobolka geeska Africa; waayo waxa soo ifbaxay dhawaanahaan awooddii ururka Al-Shabaab oo ka faa’iidaysanaya Amnigii oo faraha ka sii baxaya.
Ka soo qayb galayaashii ayaa Wasiirka Su’aalo Soomaaliya ku saabsan weydiiyay, iyagoo ra’iyigoodiina ka dhiibtay waxa dalka ka socda. Waxaa Xusid mudan in dood-cilmiyeedkaan lagu qabtay khartoum ay dhinac ka ahaayeen dhalinyaro la magac baxday “Ruwaad Al-Wacyi” oo ah baraarug dhalinyaro isku hawsha qabashada dood-cilmiyeedyo looga arinsanayo arimah dhaqanka iyo siyaasadda.
30124412_1677854782260882_98752795762491 30124711_1677854405594253_29460989766438 30124899_1677854388927588_54677709944940 30127398_1677854585594235_12534367616740 30221978_1677854562260904_90523352464432 30222274_1677855158927511_89097777571063 30411567_1677854918927535_37815234635046 29792666_1677854448927582_63811508342892 29793477_1677854802260880_52077333162491 30123860_1677854842260876_49468677014536

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this