maakhiri1 Posted April 7, 2018 Jawaariyoow Adaa Jiitayoon Aqalkan Joogeyne. Jeelka Loo Taxaabyoow Kolkaad Baydhabo U Jihato. Xasan Khayre Suu Kuu Jirrabey Mari Jawaabteeda. Baarlamaanku Jimic iima Gelin Tan Iyo Jeerkii Dheh. Kuwii Jifideey Ahaana wax bey Igu Jaguugeen Dheh. Ju’ Markaan Iraahdaba Codkay Igu Jikraareen Dheh. Waxaa Maanta Ila Jira Shantii Juulle Oo Qudha Dheh. Farmaajii Waa Iga Jirsaday Mana Jawaabeyn dheh. Jawaanno Buuxoo Lacaga iyo Jeeg Wixii yaalley. Laaluush jin-jiman Sannado Waxaan Jalamsadaaba Dheh. Dheexaan ka Jiitee Afkey Iga Jifeeyeeeeen Dheh. Mushahar Jow Ah mooyee Majiro Jeeb Galkii Hore Dheh. Dadkii Idil Waygu Jeestoo Jaanis Ima Siin Dheh. Jallaafooyinkaan Horay U dhigay Iyo Jabkaan Geystey Ruuxaygu. Iyagoo Jumlo Ah Nabsigu Jeebka Ii Geli Dheh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted April 8, 2018 Maakhiri1, Afaray wanaagsan baad soo daysay. Ismaaciil mire rag badan baa qaatay oo wax ku daray. Let me try my own Afaray. Alahayow nin ii daran, Maxaan deefta hore seexshey Ma degdegee xaajada, Maxaan uGu dulqaad yeeshe Duulkii Jawaari Waakaas, Rabbi naga dulqaaday Duli iyo Ajaanib muxuu, Jawaari dan mooday Dalka malihid anagaa Ku Nidhi, Duulkii Ugaandhada e Rabow Guusha Soo Dhawee , Oo Daalimiinta naga Qabo. Che, probably is not fluent in the language, but I know Barwaaqo and company could do well than most , but the problem is " meel baas bay u jeedaan". Quote Share this post Link to post Share on other sites