Sign in to follow this  
Deeq A.

Maanta iyo Askar Tv-yada taagan : – Kala Damiir iyo Garasho fiicanaa Taliyayaasha Ciidamada Somaalida iyo kuwa AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Qalaalasihii ka dhex dhacay maalintii Arbacada 3.4.2018 xarunta Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ayaa marada ka feyday baahida iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee loo qabo in mar kale la asaaso cudud ciidan iyo Saraakiil somaaliyeed oo ka hufan daneysi, oo karti iyo aqoon leh, isla markaana dib u soo celin kara sharaftii iyo haybadii uu lahaa ciidanka Somaaliyeed, ka hor afgembigii kooxdii la baxday Kacaanku ay sida xoogga iyo jajuubka ah ugu qabsadeen taladii iyo dawladnimadii shacbiga Somaaliyeed.

Mushkiladaas ka dhex dhacday xarunta Barlamaanka oo khatarteeda amni iyo mideedad siyaasadeed laheyd ayaa banaanka soo dhigtay tayo iyo damiir xumada Taliyayaasha sar sare Ciidamada hab-qanka ah ee Somaaliyeed.

Taliyayaasha Ciidamada ayaa si wadajir ah, iyagoo oo la soo abaabulay uga soo muuqday warbaahinta, iyagoo shir jaraa’id oo ay qabteen si xishood la’aan ah, dhaleceyn iyo eedeyen is wata dusha uga tuuray gudoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka ah ee Somaaliyeed Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, oo qeyb ka ahaa dhinacyadii loolanka siyaasadeed ku dhex maray xarunta Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.

Falkaas Taliyayaasha Ciidamada loo adeegsay ayaa ahaa faro gelin qaawan iyo cabsi gelin lala beegsaday wakiiladii ummada iyo madaxbanaanidii hayada sharci dejinta somaaliyeed ,talaabadaas ayaa noqon karta mid khatarteeda wadata oo god dheer oo mugdi ah ku sii rideysa rajadii laga qabay in dib loo yagleelo dawladnimo somaaliyeed.

Soomalidu waa wada dhaawac iyo dhibanayaal waxyeelooyin Askar iyo Jeneraalo hore ugu geysteen

27 sano ka dib waa ayaan daro in Jenaraalo ciidan inta la soo uruuriyo ay Tv-yada ka soo muuqdaan iyagoo dhaaranya, taasi waxay damqaysaa boogihii hore een aan weli laga wada dawoobin ee shacbiga somaaliyeed.

Waxaa waajib ku ah hogaanka siyaasadeed ee dalka in aanay dalka iyo dadka somaaliyeed dib ugu celin maalmihii madoobaa ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ay sababeen askartii xukunka dalka boobtay.

Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in hogaanka Siyaasadeed ee dalku ay maanka ku hayaan in ay mudo qaadaneyso koboca iyo taabo galka hayadaha dastuuriga ah ee dalku, sidoo kale waxaa weli dhaawac xumi ka muuqdaa kalsoonidii iyo is aamindii ka dhaxeysa shacbiga somaaliyeed, taasi waxaay khasbeysaa in dhug loo yeesho in dalka iyo dadkuba u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed, dibu heshiisiin buuxda iyo ku dhaqan iyo xurmeynta dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.

Haddii shalay askari mooro duugtay dalkii iyo dadkii somaaliyeed , oo ay weliba Jeneraalo macmal ahi magacyo kula baxeen xasuuqa shacbiga somaaliyeed iyo boobka hantida dalka, maanta waa in laga waantoobaa in Dawacooyin harag shabeel loo soo xiray oo cawas iyo biyo ku nool ah Telefishinada la soo dhoobo.

Halkan ka akhri hadaladii ka soo yeeray Taliyayaasha Somaalida ah iyo kuwa Amisom

taliyayaasha-533x300.jpg

Taliyayaasha Ciidanka Somaliyeed ; waan leyn karnay askartii baarlamaanka qabsatay.

AMISOM-620x330-540x287.jpg

Taliyaha AMISOM General Paul Lokech  wuxuu yiri : waxaan furinta hore ee dagaalka uga soo laabtay inaan kala dhexgalno khilaafkiina. Meel fog ayay Soomaaliya ka timid ee waa inaan arrintaan xallinaa.

Waxay labadaas hadal muujinayaan sida loo kala garasho wanaagsan yahay. Ninna waa hanjabayaa ninna waxbuu maslaxayaa.

Inta saraakiisheennu ay shaqada u aaminsan yihiin iney shaqsi u hayaan, shaqsiguna dantiisa siduu u gaaro uu iyaga adeegsanayo, waa sababta sumacadii iyo magacii horay uga dishay ciidamadii somaaliyeed, hadna khatar ku noqon kara in dib loo dhiso, loona aamino ciidan somaaliyeed oo tayo leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this