Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad baxyo looga soo horjeedo RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka G. Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

mudaharaad.jpg

 

Mudaharaadyo aya maanta oo Jimco ah ka dhacay Magalada Muqdisho dibadbaxyadaas oo looga soo horjeedo xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo mudaharaadka uu soo qaban een dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Mudaharaadyada ayaa saaka ka dhacay degmooyinka Hodan, Howl Wadaag iyo Wardhiigley, iyadoo dhalinyarada iyo shacabka dibadbaxayay ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo dooni mayno, Dulmiga Kheyre dooni meyno iyo Baarlamaanka waa xor”

Banaan baxa maanta ka dhacaya Magalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya kaddib markii ay ku fashilmeen RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo in ay xilka si sharci darro ah uga qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS Maxamed Cismaan Jawari

Waxaa sidoo kale walaac ka muujiyay falalka amni siyaasadeed ee soo noqnoqday taaso RW Kheyre uu isku dayay in uu majaxaabiyo dowlad goboleedyada, markii uu ku guul dareystayna uu hadda damac ka galay in bedelo guddoonka BJFS si uu u helo guddoomiye u saxiixa mashaariicda lagu boobaayo kheyraadka dalka ee uu sida qarsoon heshiisyada ugu soo galay.

https://muqdishoonline.net/2018/04/06/dibad-baxyo-looga-soo-horjeedo-rw-kheyre-iyo-madaxweyne-farmaajo-oo-ka-dhacay-qaar-ka-mid-ah-degmooyinka-g-banaadir/

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this