Deeq A. Posted April 6, 2018 Mudaharaadyo aya maanta oo Jimco ah ka dhacay Magalada Muqdisho dibadbaxyadaas oo looga soo horjeedo xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo mudaharaadka uu soo qaban een dhalinyarada Gobolka Banaadir. Mudaharaadyada ayaa saaka ka dhacay degmooyinka Hodan, Howl Wadaag iyo Wardhiigley, iyadoo dhalinyarada iyo shacabka dibadbaxayay ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo dooni mayno, Dulmiga Kheyre dooni meyno iyo Baarlamaanka waa xor” Banaan baxa maanta ka dhacaya Magalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya kaddib markii ay ku fashilmeen RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo in ay xilka si sharci darro ah uga qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS Maxamed Cismaan Jawari Waxaa sidoo kale walaac ka muujiyay falalka amni siyaasadeed ee soo noqnoqday taaso RW Kheyre uu isku dayay in uu majaxaabiyo dowlad goboleedyada, markii uu ku guul dareystayna uu hadda damac ka galay in bedelo guddoonka BJFS si uu u helo guddoomiye u saxiixa mashaariicda lagu boobaayo kheyraadka dalka ee uu sida qarsoon heshiisyada ugu soo galay. https://muqdishoonline.net/2018/04/06/dibad-baxyo-looga-soo-horjeedo-rw-kheyre-iyo-madaxweyne-farmaajo-oo-ka-dhacay-qaar-ka-mid-ah-degmooyinka-g-banaadir/ Quote Share this post Link to post Share on other sites