Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso magacyada xubno ka tirsan al-Shabaab oo doonaaya in weeraro ay ka geystan Kenya (Sawiro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa shalay waxa ay sheegen in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 nin oo ka tirsan maleeshiyada  al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in shaqsiyaadkasi ay dul dhigeen lacago, iyadoo qofkii ka keenaa macluumaad lasiin doono lacago abaalmarin ah.

Shaqsiyaadkaan Ciidamada Kenya ay dul dhigeen lacagaha ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.

Lacago-520x330.jpg?resize=520%2C330

Dowlada Kenya ayaa ragan dul dhigtay lacag dhan 2 Milyan oo lacagta Kenya ah, guud ahaan sideedooda lacagta la dul dhigay ayaa noqoneysa 16 milyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay raggan in ay howlo Argagixiso ka geystaan gudaha dalka Kenya, lagana hortagayo.

Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday in Ciidamada Booliska ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo.

Geesta kale, shaqsiyaadkan ayaan la cayimin goobaha ay ka geysan doonaan weerarada, inkastoo ay u badan yihiin Nairobi iyo magaalo xeebeedka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this