Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 6, 2018 Aan xildhibaan noqdo, mar lee xildhibaan in dhaha meel xun ee gaartay. Read on. Munaasabadda Midaynta xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu qabtay Dhuusomareeb Magaalada Dhuuso-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Xildhibaanada maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug,si loo dhaqangeliyo heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaanada la isku daray,kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 178-xildhibaan oo ah guud ahaan Golaha Baarlamaanka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa si wada jir ah u saxiixay Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda isku dhafka labada dhinac ee xildhibaanada ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Galmudug in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada Galmudug. Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa tilmaamay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay horumar lagu talaabsaday,isagoo dhiirigeliyay midnimada iyo wada jirka Galmudug. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa xusay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul islamarkaana ay qayb ka qaadan doonto nabadeynta deegaanada Maamulkaasi,wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Xaaf in Galmudug ay cagta saartay dhabihii horumarka. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 6, 2018 178 xildhibaan yaa mushaar u haayo. Would it mean for every 1,000 resident in that region will have one xildhibaan? 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 6, 2018 Those are hand picked MPs not through one man one vote that is why. Once voting happens that will greatly decrease, one 1 MP for every 5,000 population. Quote Share this post Link to post Share on other sites