Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo mowqif cad ka istaagay xaaladda murugeysan ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu mareykanka saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii.

Arrintan waxaa ay la xiriirtaa walaaca Mareykanka ee Argagixisada iyo Burcad Badeedda,waxaana xaaladda ay Soomaaliya ku jirto Mareykanka uga diiwanageshan tahay deg deg taas oo dhaceysay Bisha May ee soo socota.

Madaxweyne Trump ayaa arbacadii saxiixay muddo kordhin halsano ah oo lagu sheegayo in halista Argagixisada iyo Burcad Badeedda Soomaaliya ay wali taagan tahay.

Waraaqda ka soo baxday aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markii ugu horreysay xaaladdan la soo rogay Sanadkii 2010kii,dhowr jeerna la kordhiyay iyada oo xaaladda deg degga ah ee ugu dambeysay ay dhaceyo Bishan April.

Mareykanka ayaa dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn.

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheega in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Federaalka ah iyo AMISOM ay howlgallo ka dhan ah AL-shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this