Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Badda Puntland Oo dhoolatus Ciidan ka Sameeyay Buuralayda Gal-gala Ee Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubka ladagaalanka Argagixisada ee Ciidanka badda Puntland ee (PMPFta ) , ee Fadhigooda uuyahay Buuralayda Gal-gala, ayaa sameeyay dhoolatus ku saabsan xeeladaha dagaalka .

Cutubkan ayaa sigaar ah dhoola tuskooda ugu muujinayay habka iyo xeeladaha loo adeegsado marka ay furimaha dagaalka kujiraan ciidamada iyo qaabka ay Ciidamadu doonayaan in ay Argagixisada ay ku la dagaalamayaan Buuraha iyo berriga ,ujeedada dhoolatuskan ayaa ah, xoojinka iyo ka jawaabida weerarada kooxaha Argagixisada ah ee ka dhanka ah Ciidamada difaaca Puntland iyo sidookale  in ay Ciidamada ay waqti kooban ay ku qaadato in ay ku soo afjaraan howlgalada Qorshaysan oo ay isaga horyimaadaan kooxaha Argagixisada ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada PMPFta ee Puntland  ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay diyaar uyihiin Howlgalkasta oo lagu soo Afjarayo kooxaha Nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulka Buuralayda ah ee Puntland .

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xili maalmahan  Ciidamadu ay ka wadeen Buuralayda Gal-gala Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyagoona Ciidamada Howlagalaadi ku dilay xubno katirsanaa Al-shabaab kuna soo qab qabtay Maxaabiis ka tirsanaa kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Camadow .

Diiwaanka Warkan Puntlandi.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this