Ifiye Posted April 6, 2018 Dowladda Puntland oo shuruud ku xirtay qaadashada Dastuurka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan qaadan doonin Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegistu ku socoto,haddii aan la waafajin nidaamka Federaalka dalka,sida ku xusan qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta. Golaha Wasiirada Puntland ayaa ugu baaqay guddiyada gacanta ku haya Dastuurka , in qodobada ay diyaarinayan ay waafajiyaan haykalka hannaanka Federaalka ee dalku qaatay,waxaana dowladda Puntlan ka digtay in Dastuurka laga weeciyo nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay. War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu caddeeyay, in Puntland aysan marnaba aqbali doonin, in Dastuurka Soomaaliya loo diyaariyo hannaan dowlad dhexe,halkii laga rabay in la waafajiyo nidaamka Federaalka ee dalka. PUNTLAND POST Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted April 6, 2018 what is the problem? very poor journalism Quote Share this post Link to post Share on other sites