Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:-Madaxweyne Gaas Oo kala diray Golihii deegaanka Ee degmada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Xeer Madaxweyne Lr. 52 April 05, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is Qabqabsi .

Wuxuu xeeriyey.

1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this