Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo shuruud ku xirtay qaadashada Dastuurka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada-Puntland.jpg?resize=1000%2C563

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan qaadan doonin Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegistu ku socoto,haddii aan la waafajin nidaamka Federaalka dalka,sida ku xusan qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa ugu baaqay guddiyada gacanta ku haya Dastuurka , in qodobada ay diyaarinayan ay waafajiyaan haykalka hannaanka Federaalka ee dalku qaatay,waxaana dowladda Puntlan ka digtay in Dastuurka laga weeciyo nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay.

War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu caddeeyay, in Puntland aysan marnaba aqbali doonin, in Dastuurka Soomaaliya loo diyaariyo hannaan dowlad dhexe,halkii laga rabay in la waafajiyo nidaamka Federaalka ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo shuruud ku xirtay qaadashada Dastuurka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this