Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaaari oo Sabtida la qabanayo xilli xiisadii arbacadii aan la iloobin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii Arbacadii Shalay baaqday ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu wado in la qabto Sabtida 7-da April.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa la filayaa inuu farriimo u kala diro xildhibaanada iyadoo xarunta Baarlamaanka ay ammaankeeda sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah.

Iyadoo arrintaasi ay soo shaac baxday ayaa xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay bilaabeen shirar jaraa’id oo aan kala go’ lahayn, iyadoo dalbanaya inay kulankaasi aanu ka dhicin xarunta Baarlamaanka ee la geeyo xarunta xalane ee AMISOM maamusho.

Xildhibaano goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xarunta Baarlamaanka aanu amaankeeda sugneyn oo aysan aamin ku qabin, ayna ku talinayaan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this