Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare: “Dad Muqdisho jooga ayaa lacag ku bixinaya joojinta dagaalka Al-shabab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maaulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan iyo sababta keentay in howlgalkaas uu hakad galo.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in markii Maamulka Hirshabeelle uu isku dubbariday Ciidan la dagaallama Al-shabab ee ay billaabeen howlgalka oo uu sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray rabsho laga abuuray Beledweyne.

“Waan ognahay dad ayaa jira doonaya in Hir-Shabelle ay saan sii ahaato,diyaar ayaan u nahay in aan sameyno howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab balse waxaa jira dad ku sugan Magalada Muqdisho oo dhaqaalo ku bixinaya in aan la qaadin howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Waare”

 Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.Waare ayaa dad uusan sheegin Magacooda oo jooga Muqdisho ku eedeeyay in ay lacag ku bixiyaan in uusan guuleysan howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab islamarkaana uu istaago.

Waxaa uu dadkaas ugu baaqay in lacagta ay ku bixinayaan joojinta howlgalka ay ku bixiyaan daweynta Askarta ku dhaawacanta howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this