Sign in to follow this  
Deeq A.

CEEB IYO FADEEXAD:- Wasiiradda Raysal Wasaare Kheyre oo aflagaado ugeystay Guddoomiye Jawaari iyo beeshiisa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo katirsan barlamanka Soomaaliya, ayaa wax laga xumaado ku tilmaalmay hadalo gefka ah oo kasoo yeeray Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada ee xukuumada Raysal Wasaare Kheyre.

Xildhibaan Takhtar ayaa ku eedeeyay Khadiijo Maxamed Diriye inay gef meel ka dhac u geysatay guddoomiye Jawaari, iyadoo u adeegsanaysay kalmado uusan mudnayn guddoomiyaha.

Khadiijo Diiriye ayaa si bareer ah u aflagaadaysay beesha uu kasoo jeedo guddoomiyaha barlamaanka, iyadoo sheegtay inuusan awood lahayn inuu fowdo ka sameeyo barlamaanka.

“Guddoomiyaha barlamaanka Jawaari oo qabiilkiisa hoose uu yahay Eelaay, miyaa barlamaanka ka dhex samayn kara fowdo, ma jiri karo xildhibaan ku difaaci kara Dhashiike, ayay tidhi Khadiijo.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa isagana lagu eedeeyay inuu ka been abuurtay guddoomiyaha barlamaanka, isagoo saxaafada ka sheegay in guddoomiyuhu amray in madaxa laga toogto xildhibaanada kasoo horjeeda haddii ay soo galaan xarunta.

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this