Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Wasiirka Cadaalada Puntland “Sharciyada iyo nidaamka Garsoorka Ee Puntland waa mid Waafaqsan heer Fadaraal

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland  maalmihii udambeeyay waxaa ku sugnaa oo kulamo  gaar gaar ah ay uga socday Ha,adaha ugu sareeyay ee Garsoorka dalka  iyo Madaxda  Maxkamadaha ee Dowladda fadaraalka iyo Maamulka Puntland .

Waftigan ayaa waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowladda Soomaaliya ibraahin iidle Salaybaan.

Gudoomiyaha  Maxkamada Sare  ayaa  waxa uu kormeer uu ku tagay  xarumaha Garsoorka ee Puntland iyo Maxkamadaha, isagoo u kuurgalayay sida ay u shaqeeyaan Hay,adahaasi .

kulanka ayaa laysku afgartay in labada dhinac ay markasta yeeshaan wada shaqayn joogto ah .

kiisaska ugu badan ee  Hay,adaha Garsoorka iyo Cadaalada ee Puntland ay qaabilaan ayaa waxaa la sheegaa in ay yihiin kiisaska kufsiga oo sanadihii la soo dhaafay Puntland siyaabo kala duwan ugadhacay .

Maxkamadaha kuyaala Puntland ayaa sidoo kale waxa ay xukuno ay ku fuliyaan dadka lagu soo eedeeyo fal dambiyeedyo ay kamid yihiin sida Dilka , kufsiga Dhaca  Maandooriyaha , iyo kamid ahaanshaha Ururada Xag jirka ah sida Al-shabaab iyo Daacish.

Hadaba Wasiirka Wasaada Diinta iyo Owqaafta ee Puntland Saalax Xabiib jaamac ayaa  Puntlandi uga warbixiyay  ujeedada  uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka uu utagay Garoowe.

      180401_025 - My Recording

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this