Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Khilaafkii Golaha Degaanka Garoowe oo xal rasmi ah laga gaaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise(Goodir),guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) iyo xildhibaannada Golaha Degaanka Garoowe oo si wadajir ah Saxaafadda ula hadlay ,ayaa cod midaysan ku sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay,duqa degmada Garoowe,Xassan Maxammed Ciise.

Xildhibaannadii mooshinka gudbiyay oo madasha ka hadlay, ayaa dhammaantood sheegay in ay ka laabteen,islamarkaana ay u tanaasuleen danta guud,si aysan u istaagin mashaariicda ballaaran ee ka socota caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaannada ayaa sheegay in muranka ka dhashay mooshinka uu khatar geliyay mashaariicda horumarineed ee ka socda Garoowe,sidaasi darteedna ay go’aansadeen in xal rasmi ah laga gaaro.

Xubnahan ayaa sidoo kale raalli-gelin buuxda siiyay dhammaan isimadii,nabadoonnadii,iyo mas’uuliyiinti dowladda ee ku sugnaa kulankii Golaha Degaanka ee buuqa iyo muranka ku dhammaaday,kadib markii mooshinka la qeybiyay.

Duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise(Goodir) oo ka hadlay madasha khilaafka lagu xalliyay ayaa xildhibaannadan uga mahadceliyay sida wacan ee ay u garwaaqsadeen danta guud iyo horumarka caasimadda,isagoo raalli-gelin siiyay isimadii joogay kulankii Golaha Degaanka ee muranka iyo mooshinku ka dhashay.

Xassan Goodir ayaa dhinaca kale ballan qaaday in uu dar-dar gelinayo mashaariicda ka socota caasimadda Garoowe,islamarkaana uu diyaar u yahay sixitaanka meelaha dhaliisha looga jeediyay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii ka dhex qarxay duqa caasimadda Garoowe iyo xildhibaannada Golaha Degaanka ee ku aaddanaa mooshinka xilka qaadista Xassan Goodir.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale shaaciyay in uu sii soconayo Kal-fadhiga Golaha Degaanka degmada Garoowe oo hakad ku yimid, intii la xallinayay khilaafka ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay duqa caasimadda.

Furitaankii fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe oo ku aaddana 3 bishaan April,ayaa buuq iyo khilaaf ku soo dhammaaday,kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Degaanka ay gudbiyeen mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah duqa degmada Garoowe Xassan Maxammed Ciise(Goodir).

Warqadda mooshinka oo ay ku saxiixnayeen 20 xubnood oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Degaanka Garoowe, ayaa lagu saleeyay xil-gudasho la’aan iyo musuq maasuq lagu eedeeyay Xassan Goodir.

Xildhibaannadii mooshinka gudbiyay ayaa fowdo iyo buuq ka sameeyay kulankaasi oo ay fadhiyeen labada isin ee ugu waaweyn gobolka Nugaal oo kala ah;Islaan Ciise Islaan Maxammed Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Maxammed Garaase,waxaana xildhibaannadan muranka la beegsadeen xilli uu hadal jeedinayay Suldaan Siciid Maxammed.

Halkaan ka daawo dhammaan.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Khilaafkii Golaha Degaanka Garoowe oo xal rasmi ah laga gaaray. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this