Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso( Khilaafkii golaha degaanka Garowe oo xal laga gaaray iyo galaha degaanka oo gacmaha is qabsaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay degaanka degmada Garowe, kuwaas oo dhawaan qeyb kamid ah ay mooshin ka keeneen duqa caasimadda Xasan Goodir, inkastoo mooshinkaas markii dambe lagu tilmaamay inuu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga.

Labada dhinac ayaa khilaafkooda ku dhameystay isku tanaasul iyo in laga wada shaqeeyo midnimada iyo horumarka shacabka islamarkaana wixii qaldan si wadajir ah loo xaliyo.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo qabtay shir jaraa’id, isagoo ay hareer fadhiyeen xubnaha golaha degaanka iyo maamulka, ayaa uga mahad celiyay xilkas nimada golaha degaanka iyo sida ay u aqbaleen inay ka heshiiyaan tashuushkii soo kala dhex galay.

Guddoomiye Cumar Faraweyne Waxaa uu sheegay haddii aan laga heshiin lahayn khilaafkii golaha degaanka u dhexeeyay inuu saameyn ku yeelan lahaa mashaariicda horumarineed ee ka socota caasimadda Puntland.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay inay jiraan dad kasoo horjeeda horumarka Puntland iyo horumarka caasimadda Garowe, kuwaas oo si aad ah u buun buniyay khilaafkii yaraa ee golaha degaanka soo kala dhex galay, wuxuuna xasuusiyay Puntland inay tahay meel dimuqraadiyadi ka jirto, dadkeeduna ay si nabad ah uga heshiin karaan wax kasta oo dhexmara.

Halkaan ka dhegayso codka guddomiyaha.

      Guddoomiyaha gobolka Nugaal

29683561_1673269679428631_89821069819329

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this