Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Dadweynaha ree Jubbaland ugu hambalyeeyay Shan Sano guurada kasoo wareegta Aas Aaska Jubbaland kuna baaqay Midnimo iyo wax wada qabsi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo, 5 April, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweynaha iyo Bulshada ree Jubbaland ugu hambalyeeyay Shan Sano guurada kasoo wareegtay Aas Aaskii Jubbaland ee 4 April 2013kii.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dadaalkii loo galay dhismaha Jubbaland uu ahaa aragti shacbi oo ka timid dadka deegaanka in ay helaan maamul heer deegaan ah oo wax ka qabta baahiyahii jiray iyo dhibaatooyin mudo badan Gobolku uu la daala dhacayay.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ugu yaraan afar sano oo ay la daala dhacayeen sidii loo dajin lahaa hanaan hufan iyo in la dhameeyo caqabadahii ka dhashay dhismaha Jubbaland hada cagta lala helay dhabahii saxda ahaa.

Madaxweynahu wuxuu amaanay doorkii Ergooyinka ka kala socday Sadexda Gobol ee Jubbaland oo uu hoosta ka xariiqay in ay ahayd talaabadii ay qaadeen mid dhiiranaanta iyo ad adayga dadka deegaanka muujinaysa iyo siday uga go’nayd in hanaan maamul oo dhab ah deegaanka laga hirgaliyo isagoo u mahad celiyay cid walba oo gacan ka gaystay dhismaha Jubbaland.

Shan sano kadib Madaxweynahu wuxuu sheegay in wax weyn laga qabtay Nabadgalyada hananka maamulka iyo daadajinta xukunka Adeegyada Bulshada iyo dhamaan wixii la qaban karay oo ah kuwo u baahan in lasii dardar galiyo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in caqabadahu ay wali yihiin kuwo taagan balse casharadii laga bartay kuwii hore ay ku abuurayaan dadweynaha dhiiranaan iyo dulqaad yoolkiisu uu yahay in horay loo sii socdo.

Dagaalka lagula jiro Argagixisada abaaraha soo noq noqday iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay burburka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay yihiin kuwo wali raadkoodu uu deegaanka ka muuqdo oo u baahan in laga qada qayb qaato ka gudbistooda.

Dadweynaha ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay Dowlada ku garab siiyaan dagaalka lagula jiro Argagixisada hirgalinta adeegyada Bulshada.

Wadajirka Bulshada ayuu Madaxweynahu sheegay in ay wax walba ka muhiimsan tahay isla markana loo baahan yahay in si muuqata loo ilaaliyo Midnimada umada.

…………. DHAMAAAAD………….29694500_1076743612466539_53156252054171

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this