Sign in to follow this  
Deeq A.

Liverpool iyo Barcelona oo guulo ka gaaray Siddeed dhammaadka Champions League-ga

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa xalay guulo muhiima ka gaaray lugta hore ee Siddeed dhammaadka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga.

Kooxda Liverpool  ayaa guul layaab leh ka gaartay dhigooda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonkeeda Anfield, kadib markii ay nus saacii ugu ugu horeeyay ay go’aamisay natiijada ciyaarta oo ahayd 3-0, waxayna u sheegatay khibrad, maadaamada ay tahay kooxda ugu guulaha badan kooxaha England tartanka Champions League-ga.

Salah.jpg?resize=600%2C337Wiilka reer Masar Maxamed Salaax oo ciyaarta dhaawac looga saaray ayaa goolka furitaanka dhaliyay ciyaarta oo socota Laba iyo toban daqiiqo, wuxuuna ahaa goolkii 38-aad ee uu u dhaliyo Liverpool, gool labaad Alex Chakberlain ayaa Siddeed daqiiqo kadib shabaga ku husbsaday, halka goolkii Saddexaad uu dhaliyay Sadio Mano daqiiqadii Soddon iyo kowaad, wuxuuna ahaa gool aad loogu riyaaqay oo uu caawiye ka ahaa Maxamed Salaax.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay tahay  kooxda kaliya oo ka tirsan horyaalka England ee Premier League-ga oo ka badisay Manchater City xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale  kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou 4-1 ugu awood sheegatay kooxda reer Talyaani ee Roma oo kala bar goolasha laga dhaliaya hadiyad u bixisay.

Goolka furitaanka Barcelona waxaa siiyay De Rossi, halka Monolas uu goolka labaad iska dhaliyay, taas oo la micno ah in ciyaartoyda Roma ay ciyaarta 2-0 uga dhigeen Barcelona.Barca.jpg?resize=574%2C404

Gerard Pique ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Barcelona halka Edin Džeko uu Roma siiyay goolka calanka,  laakiin Luis Suarez ayaa Barcelona u saxiixay goolka afraad ee Roma sii niyadjabiyay.

Kooxda Roma ayaa noqotay kooxdii Afraad ee taariikhda tartanka Champions League-ga laba gool oo kama ah iska dhalisay, kooxdii ugu horeysay waxay ahayd Galatasaray.

Kooxaha Manchester iyo  Barcelona ayaa lugta labaad ee Siddeed dhaammaadka  Champions League-ga ciyaari doona iyagoo guulo waaweyn wata.

PUNTLAND POST

The post Liverpool iyo Barcelona oo guulo ka gaaray Siddeed dhammaadka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this