Sign in to follow this  
Deeq A.

PRO: Axmed Ismaaciil Samatar.” Farmaajo iyo Kheyre waxay doonayaan inuusan sharcigu sarayn oo ay afduub wax ku maamulaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Pro, Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaarihiisa Kheyre inay wadaan qorshe ku saabsan inay iyagu sharciga ka sareeyaan oo ay dalka ku maamulaan sida ay doonayaan.

Axmed Ismaamiil Samatar waxa uu sheegay madaxweyne Farmaajo inuusan dhex dhexaad ka noqon arrinta barlamaanka ka dhex taagan, taas badelkeedna waxaa uu ku eedeeyay inuu isaga hor boodayo qorshaha lagu doonayo in lagu aamusiyo sharciga iyo kala dambaynta waddanka.

” Waxaa ummadda Soomaaliyeed la yaab ku ah in madaxweynihii dalka uusan go’aan goyn karin, illlaa raysal Wasaaruhu uu go’aan gaaro mooyee, waxaana meesha inooga muuqata in  Soomaaliya ay ku socota dariiqii dagaal Sokeeye, haddii aan wax is badelin,” ayuu yidhi Samatar.

“Muqdisho garabyada ku hardamaya ma ahan kuwo danta ummadda Soomaaliyeed, waxayna udurbaan garaacaayaan labaatan sano wax lagasoo gudbay.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this