Sign in to follow this  
Deeq A.

Australia oo diiday inay dib u dajin u sameyso Qaxootiga Soomaaliya iyo wadamo kale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Australia ayaa diiday inay dib u dajin u sameyso qaxootiga ka imaanaya wadamada Soomaaliyaa, Koonfurta Suudaan iyo Iiraan inay dalkaas dib u dejin ka helaan.

Australia, wax tafaasiil ah kama bixin ujeedada ka dambeysa go’aankaan.

Hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa dhaleeceeyay go’aanka xukuumadda oo ay ku sheegeen inuu dhaawacayo dastuurka, waxaa kalo ay dowladda ku eedeyeen inay ku dhaqmeyso takoorid lagu sameynaayo qaar ka mid ah waddamada caalamka. Hay’adaha u doodda xaquuqda aadana ayaa sidoo kale go’aanka cambaareeyay.

Nidaamka Dib-u-dejinta, oo loo yaqaan Barnaamijka Taageerada Bulshada, waa mid ka mid ah barnaamijka bani’aadamnimada ee ugu ballaaran oo ay bixiso Australia , waxaana ka faa’ideysta dadka dalalkooda ay ka jiraan colaadaha iyo maamullada gacanta adag.

Australia waxay kaliya mudnaanta siinaysaa qaxootiga ka imaanaya Congo, Afghanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this