Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News– faalo + Wararkii u dambeeyey iyo Gudoomiayah Baarlamaanka Soomaaliya Oo shir deg deg ah isugu yeeri doona Xildhibaanada, Amaanka waxaa ilaalin doona Amisom

Recommended Posts

Deeq A.   

Studio_20180404_235436.jpg
Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Gudoomiye Jawaari iyo Villa Soomaaliaya ayaa hada wuxuu gaaray meeshii ugu xumayd, Ciidamadii saaka khashkhashaaday Baarlamaanka ayaa Gudoomiye Jawaari wuxuu sheegey in laga soo diray Villa Soomaalia, kadibna ay Villa Soomaaliya suuqa galiyeen Borobogaando lagu leeyahay jawaari baa ciidan lasoo galay Baarlamaanka.

Sida ay Puntlandi wararka ku helayaan Gudoomiye Jawaari ayaa iminka isu diyaarinaya inuu Jawaab kulul ka bixiyo wixii maanta ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna shir deg deg ah oo aan ajandihiisa la shaacin uu isugu yeeri doonaa Xildhibaanada Federaalka, Ciidamada Amisom ayaana amaanka si buuxda u illaalin doona,

Wararka kale ee hada soo dhacaya waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari uu subaxa khamiista 5 april uu booqan doono Xarunta Beesha Caalamka ee Xalane, lama oga ilaa hada ajandaha Jawaari ee booqashada Xalane.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa maanta wuxuu baajiyey safar uu ku tahi lahaa Pu tland, wuxuuna safarkiisa u baajiyey Buuqa Siyaasadeed eeXamar oo meel foolxjn gaaray.

Madaxweynaha Dowlada Federaalku ilaa hada kama hadal falkii ka dhacay maanta (Arbaco 4/4) Xarunta Golaha shacabka, Raysal wasaaraha iyo Wasiirada ayaan iyana wali wax hadal ah laga heyn.

Khilaafka Siyaasadeed muxuu Salka ku hayaa

Khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisha wuxuu soo bilowday bil ka hor,khilaafku wuxuu ka bilowday markii hore Raysal wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari oo isqabtay, Lhilaafka labada Masuul ayaa meel aan wanaagsaneyn gaaray maalmo gudoheed.

Raysal wasaare Kheyre ayaa durba bilaabay xulufaysi siyaasadeed oo uu la sameeyey Gudoomiye Xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Mudane Muudey, Gudoomiye Xigeen Muudeey, iyo Wasiiro iyo Wasiiro xigeeno Xildhibaano ah ayaa bilaabey iskaashi ay ku abaabulaan Mooshinmka dhan ah Gudoomiye Jawaari, ugu yaraan Afartameeyo xildhibaan oo Golaha Wasiirada Xukuumada Raysal wasaare Kheyre iyo Gudoomiyaha Kowaad ee Baarlamaanka ayaa bilaabay iney cod u raadshaaan Mooshinka, arintaasna waxaa durba ka war heley Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka, waxaana laba todobaad ka hor bilowday oo suuqa usoo baxay khilaaafka siaasdeed ee labada Gole.

Aqalka sare ayaa isku dayay iney damiyaan dabka ka dhexdhashey xukuumada iyo Baarlamaanka laakiin kuma aysan guulaysan, Madaxweyne Farmaajo ayaa isna isku dayay inuu dhex galo laakiin Madaxweynaha ruuxiisa ayaa lagu eedeeyey inuu garab la saftay, Gudoomiye Jawaari oo shir jaraa’id qabtay Isniintii 2 april 2018 ayuu sheegey in Madaxweynuhu uu si cad ula saftay Raysal wasaaraha.

Sida muuqata xildhibaanada Federaalka Soomaaliya waxaa hada loo diidey iney isu yimaadaan oo shiraan, garabka Gudoomiye Xigeenka kowaad iyo Villa Soomaaliya waxay ku eedeynayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ka dambeeyo in Xildhibaanaxu ay aqalkooda ku shiri waayeen, Gudoomiye Jawaari wuxuu isna laba shir jaraa’id oo uu qabtey labadii Isniinyii iyo Arbada uu sheegey in Villa Soomaaliya ay qas kuwadaan Baarlamaanka.

Beesha Caalamka/Amisom

Beesha Caalamka ee daneysa Arimaha Soomaaliya isla markaasna biisha Madaxda Soomaaliya kuma ay faraxsana waxyaabaha ka socda maalmahaan muqdisho xili xiriirka Beesha Caalamka iyo dowlada federaalku uusanba wanaagsaneyn, wali Beesha Caalamku si cad ugama aysan hadlin arimaha socda inkastoo ay si dhow dusha ugala socdaan, waxay halmar ay soosaareen hadalo siyaasadeysan ay ku waaninayeen labada dhinac.

Ciidamada Amisom ilaa hada ma aysan qaadin wax talaabo ah,,laakiin wararka xalay (Isniin 4/4) la heley waxay sheegayaan in Amiskm ay go’aan sadeen ineh sugayaan Amaaanka Kulamada Xildhibaanada, kadib codsi la yimid Gudoonka Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya.

Wixii warara oo rasmi ah ee soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this