Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee Waxyaalladu kasoo gaartay Qaraxyada oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

CnbbeeE005010_20180404_NBMFN0A001_11n.jpMuqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 3,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay Qaraxyadii dalka ka dhacay saddexdii sano ee lasoo dhaafay, sida ay maanta baahisay ah hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan miinada ee Mine-Action.

Hay’adda UNMAS ayaa sheegtay in sannadkii 2017-kii uu ahaa sannadkii ugu khasaaraha badnaa marka la eegto qaraxyada, iyadoo sheegtay in 14-kii bishii Oktoobar ay 500 dad badan ku dhinteen ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 boqol oo qof qarax ka dhacay Zope oo ah isgoys aad u mashquul badan.

“Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxyada saddex meelood hal meel ayaa carruur ah,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda Mine-Action oo xusasay maalinta wacyi-gelinta ka hor-tagga Qaraxyada oo ku beegnayd maanta.

Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in la xoojinayo wacyi-gelinnada ku aadan waxyaabaha Qarxa, si loo badbaadiyo nolosha shacabka gaar ahaan caruurta oo la sheegay inay caqabadaha ugu badan kala kulmaan walxaha qarxa.

“Khataraha ka dhasha qaraxyada ayaa ah xaqiiqada ugu weyn ee Somalia ka jirta. Waxaaa dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartaa Qaraxyada dadka ku safra deeaannada miyiga iyo Reer-guuraaga Soomaailyeed,” ayaa warbixinta hay’adda UNMAS lagu yiri.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in 70 bulshooyinka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa ka faa’iideystay ka hor-tagga qaraxyada miinooyinka ku haray goobihii colaadahuhu ka dhaceen, kuwaasoo gaaraya 450 deegaan sannadkii 2017-ka oo keliya.

“Xoojinta wacyi-gelinta qaraxyada ayaa waxay hoose u dhigi karaan sidii ay shacabku uga digtoonaan lahaayeen miinooyinka dhulka ku aasan. Taasna waxaa lagu gaari karaa in dadka la baro xirfado ay ku nabad-galaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Abshir Mahdi Isaaq oo ka tirsan xafiiska UNMAS ee dalka Somalia.

Ugu dambeyn, Sannado badan oo dagaallo ay ka jireen Somalia ayaa waxaa looga tagay meelaha qaarkood miinooyin lagu aasay, kuwaasoo ah kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka u geystay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Reer-guuraaga ah.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka Soomaaliyeed ee Waxyaalladu kasoo gaartay Qaraxyada oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this