Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM” Furumaha dagaalka waxaan uga soo baxnay sidii aan u difaaci laheyn Jawaari”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, iyo Mudanayaal ka tirsan kuwa taageersan ayaa maanta kulan waxa ay la qaateen Taliyaha Ciidamada AMISOM.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qalalaashii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamadda AMISOM Paul Lokech ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada AMISOM ay saarantahay Masuuliyad islamarkaasina ay gaashaan u noqonayaan Gudoomiye Jawaari.

” Jawaari waa Gudoomiyaha Baarlamaanka Masuuliyada ayaa naga saaran Gaashaan ayaa u noqoneeynaa maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Furumaha Dagaalna waan uga soo baxeeynaa” ayuu yiri Paul Lokech Taliyaha Ciidamada AMISOM.

Shaqaaqad sababtay in uu fashil iyo buuq ku dhamaado kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post AMISOM” Furumaha dagaalka waxaan uga soo baxnay sidii aan u difaaci laheyn Jawaari” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this